Khamiis, 1 Oktoobar 2026 +252 61 5584276
Kala soco warar sugan oo deg deg ah
DEG DEG
DEG DEGSoomaaliya

WAR DEGDEG AH | DUQEYMO LAGA MAQLAY DEEGAANADA WANLAWEYN

“Soomaaliya

Saaka aroortii hore, sida aan idiin soo sheegnay, diyaarado ayaa laga maqlay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xigay duqeymo xooggan oo laga maqlay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn.


Wararka aan ka helayno dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeymaha laga maqlay illaa deegaanka Tabeelaha, oo qiyaastii 18 KM bari ka xiga Wanlaweyn, iyo Yaaq-Bariweyne, oo ku yaalla qiyaastii 20 KM galbeed ka xiga degmada.


Sidoo kale, dhawaaqa diyaaradaha iyo qaraxyada ayaa laga maqlay dhanka waqooyi iyo koonfurta degmada Wanlaweyn.


Waxa aan helnay:

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in diyaaradaha ay u ekaayeen kuwa nooca F-16, balse illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin nooca diyaaradaha, cidda duqeymaha fulisay ama bartilmaameedyadii la beegsaday.


Qaar ka mid ah dadka aan la xiriirnay ee ku sugan deegaanada ay duqeymuhu ka dhaceen ayaa sheegay in bambooyin ay ku dhaceen dhul bannaan.


Dhanka kale, khubaro militari oo aan la hadalnay ayaa sheegay in qaabka iyo muuqaalka dhacdadu ay u ekaan karaan hawlgal ama tababar militari, hase yeeshee arrintaas weli ma hayno xaqiijin rasmi ah.


Weli ma cadda cidda ka dambeysa duqeymaha, sababta loo fuliyay iyo waxa ay ahaayeen bartilmaameedyada.


Watar Media waxay sii wadi doontaa la socodka xaaladda, waxaana idiin soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kasoo kordha marka aan helno,


WATAR MEDIA — Xogta Adiga Kuu Soo Dhow ka dhigo