MIDOWGA KOOXAHA BUUR HAKABA OO KU DHAWAAQAY INUU KA HARAY TARTANKA HORYAALKA CUSUB
Buur Hakaba – 9 Oktoobar 2026 | Watar Media
Midowga Kooxaha Buur Hakaba ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in kooxaha ku mideysan midowga ay ka hareen tartanka horyaalka cusub, kaddib markii ay yeesheen wadatashi iyo kulan ay kaga arrinsadeen xaaladda tartanka, gaar ahaan hab-maamulka iyo hannaanka maaliyadeed.
Go’aankan oo si wadajir ah ay u qaateen kooxaha xubnaha ka ah midowga ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka Oktoobar 2026.
KOOXAHA GO’AANKA GAARAY
ZERA (A)
- HAKABA
- BISHA CAS
- YOUNG STAR
- AL QUDUS
- KACABSO
ZERA (B)
- AL JAZIIRA
- HORMUUD
- JAAMAC
- MIDNIMO
- HEEGAN
- HILAAC
- KALSOONI
- LION
- TAATIKO
- XOOGWEYNTA HAKABA
- SHANTARAAL
SABABTA GO’AANKA
Midowga Kooxaha Buur Hakaba ayaa sheegay in go’aanka ka-harista tartanku uu sii jiri doono ilaa laga helo hannaan maaliyadeed oo cad, hufan, daahfuran, isla markaana ay dhammaan kooxuhu si wadajir ah ugu qanacsan yihiin.
Midowgu wuxuu caddeeyay in go’aankani yahay mowqif mideysan oo ay kooxuhu si wadajir ah u qaateen, ujeeddada ugu weynina ay tahay in la helo nidaam isboorti oo ku dhisan caddaalad, wadatashi, isla-xisaabtan iyo hufnaan.
Sidoo kale, midowgu wuxuu xusay in go’aankani uusan ka dhan ahayn ciyaaraha iyo horumarinta isboortiga, isla markaana uusan ahayn tallaabo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo tartanka. Balse uu yahay go’aan mas’uuliyadeed oo lagu doonayo in lagu ilaaliyo mustaqbalka isboortiga, danaha kooxaha iyo jiritaanka tartan waara oo ku dhisan kalsooni, caddaalad iyo wada-ogol.
Midowga Kooxaha Buur Hakaba ayaa ugu dambeyn carrabka ku adkeeyay in tartan guuleysta uu u baahan yahay maamul hufan, hannaan maaliyadeed oo la isla oggol yahay iyo wada-shaqeyn dhex marta dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
MIDOWGA KOOXAHA BUUR HAKABA
Hal-ku-dheg: “Hufnaan, Wada-tashi iyo Isboorti Waara.”
WATAR MEDIA | Wararka iyo Warbixinnada

