WAR DEGDEG AH ISBEDDEL KU YIMID SARAAKIISHA CIIDAMADA
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Kabtan Aadan Yuusuf Maxamed, iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa la sheegay inay ku biireen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee garabka Lafta-gareen.
Sida xogta aan helnay tilmaamayso, Kabtan Aadan Yuusuf Maxamed iyo askartiisa ayaa magaalada Muqdisho ka soo ambabaxay, waxaana la sheegay inay xalay oo taariikhdu ahayd 31-ka Oktoobar 2026 gaareen magaalada Buur, halkaas oo uu haatan ku sugan yahay.
Dhaqdhaqaaqan ayaa imanaya xilli ay jiraan isbeddello iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira saraakiisha iyo ciidamada ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.
WATAR MEDIA waxay idiin soo gudbin doontaa faahfaahinta iyo wareysiga Kabtan Aadan Yuusuf Maxamed.
La soco Watar Media – Wararka oo dhan iyo xogta gudaha.
