Saaxib aan si gaar ah u ixtiraamo ayaa i soo wacay, wuxuuna i weydiiyay
Maxaad Sheekh Aadan Madoobe mucaarad ugu tahay? Markii hore waad taageeri jirtay
Waxaan ku iri“Su’aal fiican ayaad i weydiisay, laakiin aniguna su’aal ayaan ku weydiinayaa Marka aad iga jawaabto, ayaan aniguna kaaga jawaabayaa
Su’aashaydu waxay ahayd
“Dadkii aragtidoodu ahayd in Laftagareen xilka laga qaado, maxay maanta ka qabaan xaaladda deegaanka ka jirta? Iyadoo la eegayo in xilligii Laftagareen ay deegaanka ka jirtay nabad marka loo eego xaaladda maanta, sidee ayay u qiimeynayaan waxa hadda socda?
Saaxiibkay su’aashaydii kama jawaabin, balse wuxuu igu yiri
“Walaal iga raalli noqo, meel aanan fahansanayn ayaad iga tustay. Waad mahadsan tahay, Watar Media. Horay u soco
Doodda wanaagsan waa tan qofku marka uu arko meel uu ka fikir cusub ka heli karo, uu aqbalo oo uu ixtiraamo aragtida kale.
